Maamulka gobaka Mudug ee Galmudug ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Gaalkayo oo maalmahan ay ka taagnayd xiisad u dhaxaysa maleeshiyooyin ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka siyaasadda iyo ammaanka gobalka Mudug Cabdi Sheekh Xuseen oo la hadlay Goobjoog News ayaa beeniyay eedeymo uga imaanayay dhanka Puntland oo dhaliyay xiisadda magaalada dhankeeda galbeed ka taagan taas oo ah in Galmudug ay dhisanayso dhul ay Puntland leedahay.
“Suurtagal ma ahan dad ama maamul meel uu ka taliyo in mid kale uu yiraahdo anaa iska leh ama uu sheegto waa wax laga qurux badan yahay, annagu dhul Puntland leedahay ma dhiseyno mana dhisi doonno hase yeeshee dhulka aan dhiseyno oo amniga iyo arrimaha bulshada aan u dhiseyno waa dhul ay leedahay Galmudug horayna loo ogaa” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka gobalka Mudug.




From the comments