Shir guddoonka golaha wakiillada Somaliland ayaa digniin u jeediyay 45 xildhibaan oo ka tirsan aqalka wakiilada kuwaasi oo aan soo xaadirin Afartii kalfadhi ee ugu dambeeyey iyada oo qaarkood ay golaha aaney lugta soo dhigin muddo Laba sanno ah ku dhawaad .
Qoraal lagu baafinayey xildhibaanadan oo ka soo baxay xafiiska xoghaya golaha ayaa lagu sheegay in golaha looga yeerayo 45 xildhibaan muddo toban maalmood ah gudahood.
Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha Cali Yuusuf Axmed oo la hadlay xildhibaanadii golaha iyagu ka soo xaadiray maalinimadii shalay ayaa sheegay inay xilka umadda u hayaan balse ayna u haynin inay ku mushaar qaataan oo qura; “ xilka waxaad u haysaan waa umadda idin soo dooratay uma haysaan inaad mushahar iyo lacag ku qaadataan oo kaliya markaas waxaan idin sheegaynaa shir guddoon ahaan inaad soo xaadirtaan oo waajibkiinna garataan “.




From the comments