Goobjoog

Dowladda Qatar Oo Xoojineysa Taageerada Dib u Dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya

Dowladda Qatar ayaa sheegtay inay xoojineyso dadaallada ay ku taaagerayso dib u dhiska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo sidoo kale horumarada xagga difaaca. Wasii ku xigeenka wasaaradda difaaca dowladda Qatar…

Dowladda Qatar Oo Xoojineysa Taageerada Dib u Dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya

Dowladda Qatar ayaa sheegtay inay xoojineyso dadaallada ay ku  taaagerayso dib u dhiska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo sidoo  kale horumarada xagga difaaca.

Wasii ku xigeenka wasaaradda difaaca dowladda Qatar ayaa sheegay in dowladdiisa gacan weyn ka geysan doonto dib u dhis lagu sameeyo wasaaradda difaaaca Soomaaaliya iyo sidoo kale xoojinta amniga xeebaha dalka.

Waxa uu sheegay wasiir ku xigeenka in hadda ay wadaan tabobarsiinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, dib u qalabeyntooda iyo sidoo kale inay ka caawinayaan in  dib loo helo hantidii ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale dowladda Qatar waxay si kulul u cambaareysay weerarkii shalay lagu qaaday Hotelka SYL, kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments