Wasaarada warfaafinta Somaliland ayaa soo saartay amar ay ku soo rogtay saxafiyiinta ajaanibta ah ee ka dhex shaqeeya gudaha Somaliland kuwaasi oo ay xustay inaanay illaa wasaaradu siiso ogolaanshiyo ayna wax shaqo ah ka qaban karin gudaha Somaliland.
Qoraal uu ku saxeexan yahay wasiirka warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid ayaa lagu sheegay in ay marar badan dhacdo in Somaliland ay warbixinno maqal iyo muuqaalba leh, qoraallo iyo sawirraba ay ka diraan saxafiyiin ajaanib ah kuwaasi oo aan wax ogolaanshiyo ah ka haysanin wasaaradda warfaafinta.
Wasiir Saxardiid ayaa sheegay inuu amarkiisu si gaar ah ugu socod hay’adaha madaxa banaan ee wada shaqaynta la leh warbaahinta iyo wasaaradaha, kuwaasi oo marar badan sida uu sheegay Somaliland keenay saxafiyiin aanay wasaaraddiisu ogayn isla markaana shaqooyin ka qabtay goobo uu ku tilmaamay xasaasi inay yihiin, waxaanu wasiirku sheegay in amarkan waxii ka dambeeya laga qaadi doono tallaabo sharci haddii saxafiyiin noocaasi ah nidaamkaasi ku yimaadaan oo aan lala socodsiin wasaaraddiisa.




From the comments