Odoyaasha dhaqanka Galmudug oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa kasoo horjeestay qaabka loo qeybiyay xubnaha aqalka sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Odayaashan dhananka ayaa tilmaamay in xubnaha aqalka sarre aan lagu saleynin nidaamka 4.5 ee Soomaalidu ku heshiisay in wax lagu qeybsado ilaa doorasho xor ah laga gaarayo islamarkaana uu jiro sadbursi maamullada qaar taasina ay keeni karto in bulshada Soomaaliyeed ay ku kala fogadaan.
Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax, Suldaan Maxamed Sheekh Maxamed, Garraad Aadan Cilmi iyo Imaam Cumar Macallin Abshir ayaa magaalada Cadaado si isku mid ah uga sheegay in ay cadaaladda ka fog tahay qaabka loo soo dhisayo aqalka sarre ee dowladda dhexe.




From the comments