Hal qof ayaa ku geeriyooday mid kalena waa uu ku dhaawacmay kadib markii israsaaseyn ay maanta ka dhacday magaalada Gaalkacyo.
Ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa la sheegay inay isku rasaaseeyeen Suuqa weyn ee Darxumo, halkaasi oo khasaarahan uu ka dhashay.
Dadka magaalada ayaa u sheegay Goobjoog News in la dareemayo xiisad dagaal oo labada dhinac ah, magaaladana waxaa ka jirta cabsi daran.




From the comments