Maamulka magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa ka warbixiyey howlgallo ay ciidamada amniga xalay illaa saakay ka wadeen magaaladaasi, kaasi oo lagu raadinayey dadka ka dambeeyay nabadoon xalay lagu dilay magaaladaasi.
Guddoomiyaha Baladweyne Maxamed Cismaan Cabdi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in howlgalladan ay dad kusoo qabteen, islamarkaana dadkaasi baaritaan lagu wado.
Ma aanu sheegin tirada dadka ay soo qabteen hase ahaatee wuxuu sheegay in dadka lasoo qabtay ay ka dhawaayeen halka dilka uu ka dhacay, lana ogaanayo suurta galnimada wax ka ogaanshiyaha dilkaasi iyo inay iyagu ka dambeeyaan intaba.




From the comments