Maamulka Puntland ayaa maanta sheegay in uu si toos ah u dhaqan galay go’aankii ay soo saareen maalmo kahor ee ahaa in Kowda bishan ay gaadiidka badeecadaha u gudbi Karin degaannada Puntland.
Afhayeenka maamulkaasi Cabdullaahi Maxamed Jaamac oo maanta warfidiyeenka la hadlay ayaa sheegay in maanta la dhaqan geliyay amarkii lagu xiray xuduudaha Puntland.
Waxa uu sheegay inaysan jirin gaaadiid Koonfurta Soomaaliya ka timid oo u gudbi kara Puntland iyo baabuur ka soo gudbi karta dhankooda oo Koonfurta imaanaysa.




From the comments