Murashaxa jamhuuriga ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa waxaa uu sheegayaa in dalka Mexico uu bixin doono lacagta ku baxeysa darbi uu sheegay in uu ka dhisayo inta u dhaxeysa Mexico iyo Mareykanka haddii uu guuleysto.
Trump oo taageerayashiisa kula hadlayey Arizona ayaa waxaa uu sheegay in xadka uu xeri doono isla markaana uu ceyrin doono dadka sharci la’aanta ku jooga Mareykanka.
Saacado ka hor, waxaa uu Trump la kulmay madaxweynaha Mexico, labada dhinac waxaa ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, xitaa Donald Trump waxaa uu ammaanay dalka Mexico iyo dadka degan, taas oo ka duwan hadal uu horay u sheegay.




From the comments