Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dil fiidkii xalay degmada B/weyne loogu geystay mid ka mid ah Nabadoonada magaaladaasi.
Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa degmadaasi ku dilay Nabadoon Cabdi Ibraahim Aadan oo ka mid ah waxgaradka ugu caansan gobolka Hiiraan, waxaana la sheegay in lagu dilay meel aan ka fogeyn hoygiisa.
Ragga dilka ka dambeeyay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo ciidamada ammaanka ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo lagu baadigoobayo dadka dilkaasi ka dambeeyay.




From the comments