Saddex mudane oo ka tirsan aqalka Wakiillada Somaliland ayaa difaacay in xukuumadda Somaliland diiwaangelinta codbixiyeyaasha ka qabato Lix goobood oo ka tirsan degmada Lughaya oo muran ka taagnaa mudooyinkii dambe, halka xildhibaanno kalena ay eedayn ku aaddan goobahaa usoo jeediyeen xukuumadda.
Lixdan goobood ee ka tirsan degmada Lughaya ayaa murankoodu bilowday ka dib markii wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland soo saartay in codka deegaanadaasi uu hoos tagi doono gobolka Hargeyas, taas oo ay ka soo horjeesteen dadka ku nool ee deeggan Lixdaa goobood.
Xildhibaanadan oo kala ah Cabdikariim Aw-Cali Shabeel , Cabdilaahi Axmed Balaaki iyo Maxamuud Cumar Xaashi ayaa ku doodaya in xukuumaddu ku saxan tahay in deegaanadaasi hoos tagaan degmada Hargeysa, iyaga oo cuskanaya xeerka numbarkiisu yahay 23/2000 oo ay sheegeen inuu qeexayo in deegaanada u dhexeeya xuduudaha labo gobol uu gobolka weyni qaadanayo waxaanu yiri Xildhibaan Balaaki “waxaan idin sheegayaa dadka madaxda dhaqanka u badan ee ku doodaya in goobahani hoos tagayaan gobolka Awdal miyaad illowdeen mise maba ogidin xeerkii la ansixiyey ee 23/2000 kaasi ayaa sidan cadaynaya “ .




From the comments