U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Ka Warbixiyey Gurmadyadii Ay Heleen Dadkii Uu Ku Fatahay Wabiga Shabelle

Sheeko:Dalka

Guddoomiye xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee gobalka Hiiraan ayaa ka warbixiyay gurmadyada Bini’aadannimo oo la helay tan iyo markii ay fatahaado waa weyn ka dhaceen magaalada Baladweyne iyo degaannada ku teedsan.

War  uu siiyay Goobjoog News ayuu ku sheegay in raashin iyo gargaar la gaarsiiyay qoysaskii saameynta ay ku yeelatay fatahaadaha wabiga Shabeelle.

“Gurmad fiican ayaa laga helay dhanka dowladda, ganacstada, Turkiga iyo hay’ado samafal illaa iminkana waa uu socdaa qeybinta gurmadka” ayuu yiri guddoomiye xigeenka.

Wuxuu sheegay in weli ay taagan tahay dhibaatooyinkii ay reebeen fatahaadaha, waxa uuna sheegay in baahidii ay weli taagan tahay.

“Daawada oo kale waa ay yar tahay maxaa yeelay, weli dadku ma helin gargaarkii ay u baahnaayeen sababtoo ah toban kun ayaa ku barakacday arrinta fatahaadaha waxaana gargaarku gaaray shan kun oo kaliya, waad dareemi kartaa dhibaatada inta ay la eg tahay” ayuu yiri madaxa arrimaha bulshada gobalka Hiiraan.

Todobaadyadii la soo dhaafay iyo wixii ka dambeeyay markii ay fatahaado watay biyo xoog badan ay ku dhufteen magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa soconayay gurmadka beni’aadanimo ee la gaarsiinayo dadka shacabka ah eek u nool degaannada ay fatahaaduhu ka dhaceen.

Goobjoog News