Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe dib uga furmo shirka maamul u sameynta gobollada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Waxaa guud ahaan magaalada Jowhar laga dareemayaa u diyaar garowga dib u furmashada shirkan, iyadoo amniga guud ee magaalada aad loo adkeeyay.
Ciidamo isugu jira Booliis, Nabad sugid iyo Milatari ayaa lagu arkayaa waddooyinka qaar ee magaalada Jowhar, iyadoo sidoo kale ay xiran yihiin waddooyinka gala halka shirka lagu qabanayo.




From the comments