10 Xubnood oo ka tirsan hoggaanka xisbiga mucaaradka ah ee UCID, gaar ahaan laanta gobolka Togdheer, ayaa sheegay inay iska casileen xilalkii iyo xubinimadii xisbiga ay ka ahayeen waxayna ku sababeeyeen xisbiga oo leexiyey dhammaan siyaasaddii ay ka midaysnaayeen.
10-ka xubnood oo shir jaraa’id oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Burco ayaa waxay ku tilmaameen xisbiga ay ka baxeen mid siyaasad ahaan aad u liita waqtigan oo qarka u saaran inuu saaxadaba siyaasada Somaliland ka baxo .
Masuuliyiintan is casilay oo ay ka mid ahaayeen Ibraahim Aadan Xasan Alaale Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Ucid Ee Gobolka Togdheer, Mukhtaar Nadaara afhayeenka Xisbiga Ucid Ee Gobolka Togdheer Abdi Sugaal Gudoomiye Ku Xigeenka Garabka Dhalinyarada Ee Gobolka Togheer iyo Naasir Bedel xoghayihii xisbiga ee gobolka Togdheer ayaan sheegin meel kale oo ay ku biireen ama ay ku biirayaan maalmaha soo aaddan.




From the comments