Madaxweyne Siilaanyo Oo Uu Horyaallo Go’aan kii Ugu Adkaa Ee Lasoo Gudboonaada

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa wali la aamusan go’aan laga sugaayey oo ku saabsanaa saamiga beel kasta ee Somaliland ku yeelan karto kuraasta golaha wakiillada.
Arrintan oo hadda u gudubtay bishii saddexaad waxay dadka siyaasadda falanqeeyaa ku tilmaameen inay tahay mid ka mid ah go’aanadii ugu adkaa ee madaxweyne Siilaanyo laga fisho mudadiisa xil haynta Madaxtinimo ee Somaliland.
Madaxweyne Siilaanyo oo hadda muddo ka yar Lix bilood uga harsan tahay mudada xil hayntiisa ayaa beelaha , xisbiyada , iyo golayaashuba waxay wali u dhegtaayaan tallaabada uu ka qaadanayo arrinta saami qeybsiga kuraasta baarlamaanka.
Maxamed Jibriil Cali oo horey Somaliland xilal wasiirnimo uga soo qabtay oo ay Goobjoog News la xiriirtay ayaa ku tilmaamay inay tahay arrin lagaga tusaale qaadan karo siyaasadda Madaxweyne Siilaanyo waxaanu yiri ” Anigu waxaan arkaa inay tahay tallaabo ha adkaatee madaxweyane Siilaanyo waajib ku ah inuu xalkeeda keeno waliba si dhakhso ah madaama ayna waqti badani ka harsanayn doorashadii si ayna caqabad u noqon iyada oo kollay la ogyahay doodda ay keeni doonaan beeluhu “.
Waxaanu Mr Jibriil ku sii raaciyey intaasi in arrinka saami qeybsiga markeedii horeba laga gaabiyay; “ waxay ahayd in hadda ay beel kasta ogtahay qofka u musharaxa ah iyo inta ay leedahay kuraas , waxay iyadana haboonayd in doodo la sameeyo in kasta oo ay jirtay guddida arrimaha gudaha ee goluhu inay gobollada mareen haddana dadkii ay codka iyo arragtiyaha ka soo ururiyeen waa la khasaariyey codkoodii iyo arragtidii ay dhiibteen “ ayuu yiri Maxamed Jibriil.
Hadaba Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxaa horyaalla go’aan ah labo daran mid dooro, in eedda beelaha uu dulsha u rito kana go’aan qaato iyo inuu go’aanka dib u dhigo oo uu diido eedda beelaha, taas oo keenaysa in dib loo dhigo doorashda golaha wakiilada oo sanadkii 11aad hadda galay intay kursiga ku fadhiyaan.
Hadaba waxaa la arki doonaa sida madaxweyne Siilaanyo uga g’aan qaato arrinta saami qeybisga beelaha Somaliland oo ah go’aan adag oo in muddo ah laga sugayay madaxweynaha inuu meel saaro.
Goobjoog News