Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qalinka ku duugay sharciga Axsaabta siyaasadda dalka oo horay baarlamaanka u meelmariyey.
Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku saxiixay sharcigan, waxaana ka qeybgalay munaasabadan guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, xubno ka socday Labada gole ee dowladda iyo sidoo kale qaar ka mid ah mas’uuliyiinta axsaabta dalka ka dhisan.
Guddoomiye Jawaari oo halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay in sharciga axsaabta siyaasadda dalka uu yahay mid aad u muhiim ah, wuxuuna dhanka kale sheegay in sanadkaan Baarlamaanka Federaalka uu qabtay shaqooyin aad u muhiim ah.




From the comments