18 Xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka Borama ayaa wasaaradda warfaafinta Somaliland ku eedeeyey inay dhex dhexaad ka ahayn wararka ku saabsan khilaafka diiwaangelinta codbixinta doorashada ee Lixda goobood ee degmada Lughaya.
Xildhibaanadan oo iyagu ah kuwa ka soo horjeeda in deegaanadaasi la codkooda la hoos geeyo Hargeysa ayaa Xildhibaan Ibraahim Axmed Seed oo ka mid ahaa xildhibaanadan eedeeyey wasaarada waraafinta uu sheegay in wararka ku saabsan dadka ka soo horjeeda aragtida xukuumaddu ka qaadatay deegaanadaasi ayna baahin Tv-ga dawladda iyo idaacada Radio Hargeysaba waxaanu ku tilmaamay in hantidii dadka si gaar ah loo adeegsaday.
Xildhibaankan oo ka hadlay ayaa yiri “ Maaha wasaaradii xukuumadda balse waa wasaaradii dawladda oo cidkasta ay u simantahay sida dastuurka ku cad oo macnaheedu yahay in mucaarid iyo muxaafidba u siman yihiin inay codkooda ka maqlaan balse taas hadda ma jirto oo ilaa shan shir jaraa’id oo aan qabanay amaba ay qabteen dadka ka soo horjeeda diiwaangelinta Lug-haya ayaan laga baahin wasaarada haddii hal qof oo isagu taageersani hadlo waa la buun-buuninyaa “.




From the comments