Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya inuu halkaasi ka soconayo dibadbax ballaaran oo ay ka qeyb galayaan dadweynaha magaalada.
Bannaanbaxaan ayaa looga soo horjeedaa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe ee qorshaha uu yahay inuu ka furmo dhowaan magaalada Jowhar.
Dibadbaxayaasha oo socod ku maraya waddooyinka magaalada Baladweyne ayaa ku qeylinaya erayo ay ku muujinayaan inay ku diidan yihiin shirka maamul u sameynta Hiiraaan iyo Shabellaha Dhexe.




From the comments