Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo Ciidamo Geysay Goobihii lagu Muransanaa ee Diiwaangelinta Lughaya

Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland ayaa ciidamo gaysay deegaanka Lughaya oo Lix goobood oo ay ku muransan yihiin diiwaangelintooda gobollada Hargeysa iyo Awdal .
Ciidamadan oo wasiirka arrimaha gudaha Yaasiin Faratoon uu amarka ay ku tageen bixiyey ayaa ay xalay gaareen deegaankaasi, iyadoo la sheegayo iney degaanka ku sugan yihiin ciidamo beeleedyo kasoo horjeeda in codbixinta goobahaa la raaciyo Hargeysa .
Ciidamadan oo gaaray degaanka Lughaya habeenimadii Xalay ayaa waxaa ammarkooda bixiyay wasiirka arrimaha gudaha Faratoon.
Kulan ay wada yeesheen wasiirka arrimaha gudaha iyo madaxda saddexda xisbi waxay warbaahinta u sheegeen inay isla qaateen in deegaanadaasi laga qabto diiwaangelin oo cokoodana la hoos geeyo Hargeysa.
Wasiir Faratoon oo la hadalka ka dib soo saaray war-saxaafadeed ayaa sheegay in waqti aanu cayimin ka dib la bilaabi doono diiwaangelinta codbixinta ee degmooyinkaasi .
Arrintan oo maalmihii ugu dambaysay aad looga hadlayey Somaliland ayaa guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo golihiisu qaabilsanyahay arrimaha nabadgelyada ayaa isna sheegay in deegaanadaasi arrintooda la siyaasadeeyey oo ay ka faa’idaysteen sida uu xusay dad dano siyaasadeed leh waxaanu yiri “ Deegaanadaasi buunbuunin badani way Ka jirtaa niman leh ciidamo ayaanu ururinaynaa waan maqlayay labada dhinacba ma sii ridnaan qabaa Lakiin ALLE ha inaga qaboojiyo wixii talo ahna kala hadhi mayno ee aan wada dadaalo”.
Waxaanu guddoomiyuhu madaxda dhaqanka iyo xukuumadda ugu baaqay inay si nabadgelyo leh ay iskula afgartaan xalna uga gaaraan goobahaa lagu muran san yahay.
In muddo ah ayaa waxaa jiray in doodi ka taagneyd Lix goobood oo ku yaalla degmada Lughaya oo lagu muran san yahay codbixintooda cidda la raacinayo gobolka Awdal iyo Hargeysa, maadaama Lughaya ay ku taallo xuduudda gobolka Awdal iyo Hargeysa.
Goobjoog News