Gaari nooca xamuulka qaada ayaa lagu soo waramayaa in saakay uu ku fariin goostay xarumo ganacsi iyo goobo la dhigyo gaadiidka oo ku yaalla degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.
Qof ku sugan halka shilkan uu ka dhacay ayaa u sheegay Goobjoog News in gaariga uu si lama filaan ah gadaal ugu soo fariin baxsaday, islamarkaana uu burburiyey xarumo ganacsi iyo gaadiid meesha yaallay.
Ma jirto wax khasaare nafeed ah oo halkaasi ka dhashay, waxaana markii uu gaariga fariin baxsanayey halkaasi ku sugnaa dhallinyaro badan, balse waa ay ka kala carareen markii ay arkeen gaari kusoo socda.




From the comments