Waxaa maanta si rasmi ah heshii kama dambeys ah u kala saxiixday Somaliland iyo shirkadda Emaratka ee horumarinta dekedaha ee DP World.
Wafti ballaaran oo uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacii (Saylici), oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Emaratka Carabta una joogay sidii ay u dhameystiri lahaayeen heshiiska DP World oo is fahamkiisu uu horey u dhex maray labada dhinac, heshiiska ayaa ugu dambeyn maanta si rasmi ah loo kala saxiixday. dhanka shiradda waxaa u saxiixay agaasimaha guud ee DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem, halka uu Somalilandna u saxiixay wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire.
Dhanka kale, Shirkadda DP World ayaa maanta bayaan ay soo saartay ku sheegtay iney ku guuleysteen maalgashiga dekedda Berbera oo ay muddo 30 sano maamulkeeda iyo horumarinteedaba ay mas’uul ka noqoneyso, iyagoo sheegay iney ku maalgelinayaan mashruucan lacago gaaraya illaa 442 milyan oo dolar.




From the comments