Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Wafti uu Hoggaaminayo oo ku Waajahan Magaalada Laascaanood
Wefti uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa saaka u ambabaxaya magaalada Laascaanood halkaasi oo ay shalay ka dhaceen iska horimaadyo u dhaxeeyey ciidamada iyo dad shacab ah ee reer Laascaanood oo ilaa saddex qof ku dhinteen .
weftigan uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Yaasiin Faratoon ayaa u ambabaxaaya Laascaanood si ay xal uga gaaraan arrinta dhibaatada dhalisay taasi oo illaa saaka saansanteedu ka taagan tahay gudaha magaalada Laascaanood .
Wararka ka soo baxay weftigan ayaa sheegaya inay shaqada ka bilaabi doonaan inay la kulmaan odayaasha iyo nabadoonada magaalada Laascaanood.
Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa saaka degan in kasta oo laga dareemayo raadadkii ay ka tageen iska horimaadyo shalay saaacado badan socday oo u dhexeeyey dad shacab ah oo ka gadooday nin gudaha magaalada lagu dilay oo ay waxba ka qabanwayeen dilkaasi ciidanka Somaliland oo goobta dilku ka dhacay ka agdhawaa, waxaana inta la ogyahay ku dhintay illaa saddex qof oo midi dhaawac u geeriyooday.
Waxaana intaasi ka dib magaalada ka bilowday mudaharaad lagu gubay baabuur ay dawlada hoose ee Laascaanood lahayd .
Rag hubaysan oo aan la aqoonsan ayaa Nin kale ku toogtay gudaha magaalada Laascaanood dhammaadka todobaadkii tagay, taas oo keentay in saameyntii dilkaas uu magaalada dhan wada gaaro.
Goobjoog News