Wasiiru-dawlaha nabadaynta u qaabilsan Somaliland deegaanada Sool iyo Sanaag Cabdirashiid Xuseen Cabdulle ayaa rajo nabadeed ku tilmaama shir dhawaan dad ka soo jeeda deegaanadaas iyo xukuumadda Somaliland uga furmaaya magaalada Burco .
Shirkaasi oo maalmaha ciidda ka dib la iskugu imanayaao ayaa waxay xukuumadda Somaliland iyo bulshada kale ka wada hadli doonaan sidii loogu qancin lahaa saamiga ay beelaha deegaanada Sool iyo Sanaag degani ku leeyihiin xilalka dawladda oo ay in badan saluugsanaayeen.
Wasiiru-dawlahan ayaa warbaahinta u sheegay inay tani noqonayso mid soo dhaweysa cabashada deegaanada uu wasiirka u yahy, “ Madaxweynaha ayaa runtii arrin wacan ka sameeyey oo ballan qaday arrintan waxayna ahayd taariikhi waxaanan u arkaa guul anigu in shirkaasi Burco ka qabsoomay” ayuu yiri Cabdirashiid Xuseen Cabdulle oo Hargeysa kula hadlaayey warbaahinta.




From the comments