Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shuceyb oo ah suldaanka duubabka dhaqanka gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News wuxuu kaga hadlay qabanqaabada shirka maamul u sameynta ee magaalada Jowhar ka socota.
Wuxuu sheegay suldaanku in magaalada looga diyaargaroobayo maalinta burrito ah inuu furmo shirka islamarkaana Jowhar 24-kii saac ee la soo dhaafay ay gaareen wufuud kala duwan oo qeyb ka ah shirka.
“Rajo xumo ma jirto, shirka waa soconayaa sida dowladda ay inoogu sheegtay talefoonka berrito ayuu furmayaa shirka maamul u sameynta, ka odayaal ahaan dhaqanka oo dhan wuxuu diyaar u yahay inay wax dhismaan” ayuu yiri suldaanka.




From the comments