Waxaa sii Kor dhaya Khasaaraha ka dhashay Weeraro qaraxyo ah oo ka dahcay caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul, waxaan la xaqiijiyey in halkaasi ay ku geeriyootay 35 qof oo ay ku jiraan saraakiil ciidan.
Xafiisyo hay’ado kheyri ah oo ku yaallay bartamaha magaalada Kabul ayaa wax yeello xooggan kasoo gaartay weerarkaan.
Afar Nin oo Hubeeysan ayaa xoog ku galay xafiisyadan oo ay leeyihiin Hay’ado Kheyri ajnabi ah halkaas oo is rasaaseyn ay ku dhex martay iyaga iyo ilaalada Xafiisyadaan, waxaana inta aanay gelin kahor iska hormariyeen qaraxyo xooggan.




From the comments