Puntland Oo Sheegtay In Aanu Quseyn Go’aankii Dowladda Federaalka Ku Hakisay Qaadka Kenya
Maamulka Puntland ayaa sheegay in marnaba aanu quseyn go’aankii shalay dowladda Federaalka ku hakisay diyaaradihii qaadka keeni jiray dalka ee ka imaanayey Kenya.
Afhayeenka maamulkaa Puntland C/laahi Quraan Jecel oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in maamulkooda aanu waxbo kala socon go’aankaasi sidaa darteed diyaaradaha Qaadka Kenya ay Puntland sidoodii u tagi karaan.
Wuxuu tilmaamay Afhayeenka in dalka yahay Federaal, islamarkaana dowladda Soomaaliya aan laga dooneyn in go’aan ay kaligeed iska gaarto waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Go’aaankaasi ma ahan mid innaga ina quseeya, sidaad la socotid dalka waa Federaalka, wasaaradda duulista Hawada markii ay go’aan qaadaneyso waxaa la rabaa inay maamullada u sharaxdo qatarta soo korortay, sidaa darteen annaga go’aankaasi nama quseeyo, garoomada waxay u furan yihiin ganacsatada Soomaaliyeed haddii ay tahay Rakaab iyo haddii ay tahay Qaad, diyaaradihii ka imaan jiray Kenya Puntland wey u furan yihiin”
Dowladda Soomaaliya ayaa shalay ammar ku bixisay in dalka aanay kasoo degi karin diyaaradaha Qaadka ka keena dalka Kenya.
Goobjoog News