Wararka naga soo gaaraya suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi goor dhow uu ka dhacay Qarax Miino ah kaasi oo sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.
Goob Jooge ku sugan suuqaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in qaraxan lala eegtay xarun ay ciidanka dowladda ku lahaayeen halkaasi.
Inta la xaqiijiyey 3 qof oo askar ka tirsan dowladda ku jiraan ayaa qaraxan ku dhintay iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.




From the comments