Maanta oo Talaado ah waxaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay shirka madasha Wadatashiga qaran, kaasi oo ay ka qeybgalayaan madaxda dowladda Federaalka kuwa maamul goboleeydada iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan furay, waxaana looga hadlayaa arrimo badan oo doorashooyinka la xiriira.
Waxyaabaha shirkaan looga hadli doono waxaa kamid ah tabasho dhawaan ka timid xubno dheeraad ah oo aqalka sare loogu daray maamulka Puntland.




From the comments