Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa soo saartay go’aan ay ku mamnucayso caleema-saarka madax dhaqameedyada cusub nooc kastaba ha ahaadee, waxaana go’aankani uu jirayaa illaa inta ay wasaaraddu fasax bixinayso.
Qoraal uu ku saxeexan yahay wasiirka arrimaha gudaha Yaasiin Faratoon ayaa lagu sheegay in wasaaraddu hakisay guud ahaan caleemo saarka madaxda dhaqanka ay beeluhu is kood u magacawdaan.
Wasiirka ayaa sidoo kale qoraalkiisan ku sheegay iney wasaaradda oo iyadu diiwaangelinta madaxda dhaqanka beelaha u xilsaaran mushaarkooda, iyadoo shaqadooda ay ugu weyn tahay nabadaynta iyo xallinta khilaafyada soo kala dhex gala beelaha. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sidoo kale sheegay inay dib u fiirin doonaan hawlaha ay Somaliland u qabtaan madaxda dhaqanka ee hadda sharciyeysan .





From the comments