Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud.
Dagaalkaan ayaa dhacay saqdhexe xalay, waxaana uu billowday kadib markii ay ciidanka Al-shabaab weerar ku qaadeen fariisin ay ciidanka dowladda ku lahaayeen deegaankaasi.
Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintay dad gaaraya 5 kuwaasi oo isugu jira dhinaycadii dagaallamay iyo dad shacab ah, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.




From the comments