Nin ganacsade ah oo ka soo jeeda Puntland laguna magacaabo Muuse Cabdalle Maxamed ayaa lagu afduubay isaga iyo gaari uu watay duleedka magaalada Burco ee gobolka Togdheer, sida ay xaqiijinayaan ilo xogogaal ah oo ku sugan gudaha magaalada.
Kooxdan Afduubka geysatay ayaa la sheegayaa iney ganasadaha u kaxaysteen dhinaca Buuraaleyda Silsiladda ah ee waqooyiga magaalada Burco.
Sababta afduubka ayaa la tilmaamayaa iney tahay aano wiil dhalinyaro ah oo ku xiran dhanka Puntland kana soo jeeda magaalada Burco, wiilkaas oo aan magaciisa la sheegin, ayaa hadana aabaha dhalay lagu magacaabaa Deeq Maxamuud Sugaal.




From the comments