Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose waxaa kusoo dhammaaday kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen hay’adaha amniga Jubbaland, AMISOM iyo Qaramada Midoobay kaasi oo looga hadlayey sidii loo sugi lahaa ammaanka doorashooyinka dhawaan ka dhici doona Kismaayo.
Waxaa la magacaabay guddi ka kooban 8 xubnood kuwaasi oo ka shaqeyn doono sugidda amniga xarumaha ay ka dhici doonaan doorashooyinka, maadaama magaalada Kismaayo ay ka mid tahay meelaha lagu dooran doono xildhibaannada baarlamaanka cusub ee soo socda.
Kulanka kadib waxaa saxaafadda la hadlay Adan Maxamed Ibraahim oo taliyaha guud ee ciidanka Jubbaland, wuxuuna sheegay in guddiga la magacaabay uu horay ka shaqo billaabay.




From the comments