Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in dalka Yemen ay ku dileen dagaalyahannoka tirsan Al-qaacida kadib weerar cirka ah oo ay fuliyeen ciidankooda.
Saraakiil Maraykanka u hadlay ayaa sheegay in duqeyn ay ka geysteen xaafado ka tirsan Yemen lagu bartilmaameedsaday dagaalyahannada Al-qaacida ayna ka dhinteen 13 dagaalyahan.
Waxay sheegeen saraakiishan in weerarada sidan oo kale ah ee lagu qaadayo Al-qaacidada Yemen ay tahay kuwo looga hortagayo weeraro ka dhan ah oo ururkaasi ku qaadaan Maraykanka iyo xulufadiisa.




From the comments