Laanta socdaalka Somaliland ayaa Airport-ka Hargeysa u diiday inuu ka dhoofo boqor Raabi Cabdilaahi oo ay sheegtay in gudaha madaarka uu kula kulmi lahaa masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaliya kuwaasi oo taransad ku ahaa gudaha madaarka isla markaana u sii gudbayey dhanka soo gudashada Xajka.
Boqor Raabi ayaa isagu markii hore warbaahinta u sheegay in loo diiday inuu soo guto Xajka isla markaana laga soo celiyey afaafka hore ee madaarka lana sii daayey dadkii uu la socday ee ay safarka Xajka ku wehlin lahaa.
maamulaha madaarka Hargeysa Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in sababta loo celiyey boqorka ay ahayd inay ka warheleen in dawladda Sucuudigu isaga iyo boqor Burhaan oo reer Puntland ah ay u xilsaartay soo amba bixinta Xujeyda ka tagaysa Soomaaliya taasi oo ku tilmaamay inay Somaliland ka madax banaan tahay, “Hadalka Boqorka ee ah isaga oo gudanaya waajibaadkii Xajka amar kaga yimid Masuuliyiinta Wasaaradda darteed loogu diiday, sababihii uu cuskanaayey waxa ka mid ahaa abaabul shirar reero ah oo warbaahinta iyo ummadda oo dhan u caddeynayaan, meel ama amar aanu kaga joojinay boqorka isagoo soo gudunaya waajibkooda haba yaraate waxaan halkan kaga caddeynayaa in aanay jirin, cid bixisay cid ka hor istaagtay iyo cid u diiday haba yaraate ma jirto. Balse arrinku uu ahaa inuu rabay in gudaha uu kula kulmo Xujey reer Soomaaliya ah oo waliba siyaasiyiin ah ” .




From the comments