Xiisad dagaal oo u dhaxeysa beeraleey iyo xoolo dhaqato ayaa ka taagan degaan ku yaalla duleedka magaalada Jowhar una dhow degaanka Qalimow ee gobolka Shabellaha Dhexe.
Wiil dhallinyaro ah oo lagu dilay deegaanka Qalimow ayaa la sheegay in xiisaddan ay ka dhalatay, iyadoo ay isku soo hub uruursadeen xoolo dhaqatada iyo beeraleyda.
“Meeshaan waxaa ka jira xiisad taas oo ka dhalatay muran iyo khilaaf soo kala dhex galay dad isugu jira beeraleey iyo xoolo dhaqato waxaana uu keenay inay isu hub qaataan” ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka oo la hadlay Goobjoog News.




From the comments