Wararka ka imaanaya gobolka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Jubbaland ay maanta Al-shababa kala wareegeen deegaanno duleedka ka ah magaalada Kismaayo.
Ciidamada ayaa la sheegay inay la wareegeen deegaannada kala ah Cabdalla Biroole iyo Janaay Cabdalle oo qiyaastii 60-km u jira magaalada Kismaayo.
Wxaa jiray iska horimaad aan badneyn oo ciidankaan ay kala kulmeen Xarakada Al-shabaab, balse wax khasaare ah lama soo sheegin.




From the comments