Wararka ka imaanaya gobolka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in Markab dagaal oo illaa hadda aan la garan dalka laga leeyahay uu weeraray Kalluumeysato Soomaaliyeed oo ku sugnaa inta u dhaxeysa Jasiiradaha Kudhaa iyo Madhawa ee gobolka Jubada Hoose.
Markabkan ayaa rasaas kusoo riday Kalluumeysatadan oo ka jillaabanayey halkaasi, waxaana goobta ku dhimatay sida la sheegay 2 qof iyo 9 kale ay halkaasi ku dhaawacmeen.
Waxaa jiray goor sii horreysay warar soo baxayey oo sheegayey in raggan la weeraray ay ahaayeen askar ka tirsan Jubbaland, hase ahaatee saraakiil Jubbaland ah ayaa xaqiijiyey in raggan yihiin Kalluumeysato Soomaaliyeed.




From the comments