Wasiir Caynte: Hakinta Qaadka Waxba Uma Dhimeyso Xiriirka Aan La Leenahay Kenya

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Cali Caynte oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ugu horreeyo shirka wasaarada qorsheynta ee dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ee shalay ka furmay magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay in shirkaan uu qeyb ka yahay shirka golaha talobixinta qorshaha qaranka oo bishii ama Labadii bil mar dhaca.
“Shirkan wuxuu qeyb ka yahay shirka golaha talobixinta Qorshaha Qaranka oo ah gole aan Sanad iyo bar kahor sameynay, ka kooban wasaaraddeenna iyo wasaaradaha dowlad goboleedyada, ulajeedkiisuna tahay intii aan ku dhex jirnay qoritaanka qorshaha qaranka iyo hadda oo aan qabyo qoraaalkii ugu horreeyay gebogebaynay iney turxaan bixiyaan hadda qoraalkaasi qoran oo talo ku darsadaan si loo helo qorshe ku saleysan wadar ogol oo Soomaalida oo dhan isla ogolyihiin, waa shir joogto ah oo bishii ama Labadii bil mar uu dhaco”
Wasiir Caynte ayaan wax ka weydiinnay waxa illaa iyo iminka ka hirgalay heshiis dhowaan dowladda Federaalka la gashay hay’adda USAID kaas oo ku aadan mashruuc waxbarasho oo hay’addaasi ku bixineyso lacag dhan 17 Milyan oo doolar.
“USAID mashruucii maalin dhoweyd aan la saxiixanay wuxuu ahaa mashruuc 14 Milyan, waxaa lagu bixinayey dhinaca waxbarashada, waxay ahayd markii ugu horreysay oo USAID ay si toos ah dowladda Soomaaliyeed mashruucaasi u marsiiso, dabcan intaasi taageero wey waddey laakiinse dowladda Soomaaliya si toos ah uma aanay soo marsiin jirin, hay’adihii dowladda oo sii xoogeysanaya maalinba maalinta ka dambeysay ayaa sabab u ah in USAID iyo deeq bixiyeyaasha kaleba ay toos ula macaamilaan deeq bixyeyaasha caalamiga ah”
10-ka bishan waxaa magaalada Muqdisho ka furmaya shirka madaxda wadamada IGAD, hadaba wasiir caynte ayaan wax ka weydiinnay muhiimadda shirkan u leeyahay Soomaaaliya iyo sidoo kale waxa looga hadli doono.
“Diyaar garow aad iyo aad u wanaagsan ayaa arrintaasi ka socda, waxaa la dilayaa in dowladaha ku mideysan IGAD madaxdooda halkaan isugu yimaadaan, ka wada hadlaan shirarkoodii joogtada ahaa oo Soomaaliya xaq u leedahay in markeeda martigeliso, hadda kahor waxaa la martigeliyey shirkii wasiirada arrimaha dibadda IGAD guul ayeey ahayd, middaanna waa guul kale oo Soomaaliya usoo hoyatay, waa waxaan is leeyahay waa mid wax weyn u tari karo muuqaalka guud ee Soomaaliya”
“Dabcan annaga IGAD waan ka tirsannahay xubin baan ka nahay, shirarkaa IGAD waxaa looga hadlaa dal walbo oo iyaga ah waxa ka dhex socda, annaga doorasho ayaa nagu soo socota waana muhiim in la iska wareysto, koonfurta Sudan waa xubin ka tirsan IGAD in la iska wareysto ajendaha waa ay ku jirtaa” ayuu yiri wasiirka.
Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa Isniintii lasoo dhaafay ku dhowaaqday in ay hakisay Qaadkii laga keenayey Soomaaliya, sidaas darteed wasiir Caynte ayaan hordhignay su’aal ahayd waxa arrintaasi u dhimi karto xiriirka ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.
Wuxuu sheegay wasiirka in arrintaasi aanay wax dhib ah u keeni doonin xiriirka ka dhaxeeya Labada dal isaga oo tusaale usoo qaatey in Kenya dhowr jeer ay sameysay wax aysan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku farxin hadane aan waxba loo dhimin xiriirkii Labada dal ka dhaxeeyay.
“Xiriirka Labo dal ka dhaxeeya arrin kaliya mar dhacda inay wax u dhinto waa ay ka sareeyaan, arrinta Qaadka mas’uuliyiinta ay quseyso waa ay ka hadleen, waa ay faah faahiyeen sababihii keenay kuwaasi ayaana udub dhexaad u ah in ay timaado in go’aan lagu gaaro in la hakiyo Qaadka Kenya, waxaan is leeyahay waa ka ballaaran yihiin calaaqaadka, annaga laftigeena wax badan oo raali aan ka ahayn ayeey dowladda Kenya sameysaa, balse waa ay ka badan yihiin calaaqaadkeena arrintaasi” ayuu hadalkiisa kusoo gebogabeeyay wasiirka.
Goobjoog News