Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa wada hadal uga billowday waxgarad kasoo kala jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo ka shiraya dagaallo dhawaan ka dhacay Bariga Gobolka Mudug.
Waxgaradkan ayaa ka hadlaya sababtii keentay dagaalladan, sidoo kalena mar walbo soo celiya dagaallo dhexmara beelahan kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.
Nabadoon C/naasir Jaamac oo ka mid ah waxgradka Galmudug ayaa sheegay in iyaga ay ku baaqeen wada hadalkaan, islamarkaana ay doonayaan in la damiyo xiisadda ka jirta bariga gobolka Mudug.




From the comments