Tobias Ellwood, oo ah wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Bariga dhexe iyo Afrika ayaa sheegay in dalkiisa ay ciidamo ka joogaan dalalka Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan isla markaana uu ciidamo cusub u soo dirayaan.
Wasiirka waxaa uu sheegayaa in ilaa 300 oo ciidan oo Ingiriis ah ay joogaan dalka koofurta Suudaan halka Soomaaliya ay joogaan ilaa 40 oo dowladda Soomaaliya ka gacan siiya waxa loogu yeero la dagaalanka argigixisada.
Dalka Koofurta Suudaan ayaa codsaday in dalkaasi u baahan yahay ilaa 4,000 oo nabad ilaalin ah si wax looga qabto nabad-galyada dalkaasi.




From the comments