Doorashada Aqalka Wakiilada Somaliland oo Dib Loo Dhigay
![](https://goobjoog.com/content/uploads/2016/08/baarlamaanka-Somaliland.jpg)
War kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegtay in la kala qaaday waqtiga doorashooyinka madaxweynaha iyo ta baarlamaanka oo hore loogu muddeeyey inay la qabto 17-ka bisha saddexaad ee sannadkan 2017.
Af-hayeenka madaxweynaha Somaliland Xuseen Yuusuf Dayr oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in markii madaxweyne Siilaanyo uu la tashiyo la sameeyey dhinacyada ay doorashada go’aan ka gaaristeedu khusayso, isla markaana uu fiiriyey suurogalnimada in Somaliland awood u leedahay in labo doorasho hal mar la wada qabto, ayaa la go’aansaday in labada doorasho la kala qaado oo waliba dib loo dhigo ta baarlamaanka.
Af-hayeenka ayaa waxa uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo ay isaga ka go’an tahay in xilka uu hayo uu baneeyo marka la gaaro 17 March 2017, waqtiga la qaban doono doorashada madaxweynenimada halka tan baarlamaanka aan iyada waqtigeeda la sheecin.
Dhanka kale, madaxweyne Siilaanyo waxuu go’aan ku gaaray in saamiga beelaha Somaliland ay ka helayaan kuraasta baarlamaanka oo isaga wali ku jirta gacantiisa in qiimayn gaar ah la siiyo gobolada Sool iyo Sanaag iyo beelaha la-haybsooco .
Dib u dhacan ku yimid doorashada baarlamaanka ayaa ah saadaalin ay sii saadaaliyeen dadka fallanqeeya siyaasada Somaliland iyada oo markii horaba culays loo arkaayey in labo doorasho hal mar wada qabsoomaan, taas oo noqon lahayd markii u horraysay ee doorasho isasaaran ay ka dhacdo Somaliland.
Si kastaba, waxaan la ogeyn sida ay arrintan uga gadmi doonto beesha caalamka oo iyagu lacago farabadan ku bixiya doorashooyinka Somaliland, halka baarlamaanka hadda xilka loo kordhinayaa uu 11 jirsaday hadda, iyadoo sidoo kalena aan la ogayn guddiga doorashooyinka iyo xisbiyadda siyaasadda Somaliland waxay ay uga falcelin doonaan go’aankan cusub.
Goobjoog News