Hogaamiyeyaal ka tirsan gobolka uu qaadka ka baxo ee Meru ayaa ka codsaday madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Wasiirka Bariga Afrika, Phyllis Kandie iyo wasiirka arrimaha dibadda Amina Mohamed in ay la hadlaan Soomaaliya si loo qaado xayiraadda la saaray Qaadka.
Talaadadii tagtay ayey dowladda Soomaaliya xayiraad ku soo rogtay qaadka ka iman jiray dalka Kenya arrintaas oo la sheegayo in ay saameyn ku yeelatay qoysas badan oo gobolka ah.
Florence Kajuju oo ah mas’uulka haweenka ee gobolka ayaa sheegtay in 2 maalin gudahood ay Kenya qasaartay ilaa 100 Milyan oo Shiling.




From the comments