Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in hadda ay wadaan qorsheyaal ay deegaan ugu diyaarinayaa dadka kasoo jeeda gobolladaasi ee kasoo laabanaya xeryaha qaxootiga dalka Kenya.
Wasiirka wasaaradda beeraha maamulkaasi Maxamed Xasan Fiqi oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in kulqamo ay la qaateen hay’ado ka socda Qaramada Midoobay oo dhanka Bini’aadannimada qaabilsan, kuwaasi oo ay kala hadleen arrimaha qaxootiga soo laabanaya.
Wuxuu sheegay in ay jiraan dad iskoos isku soo abaabulay oo dib ugu soo laabtay Baydhabo, 275 ka mid ah dadkaasina ay dib u dejin u sameeyeen.




From the comments