Ganacsadaha reer Spain ee Amancio Ortega ayaa awood u yeeshay inuu hanti ahaan ka sara maro bilyaneerka reer Mareykan ee Bill Gates, isagoo kala wareegay naaneysta ah shakhsiga dunida ugu qanisan, kadib markii hantida Ortega ay gaartay 78 bilyan oo doolar, maalinimada Khamiista iyo Arbacadii Lasoo dhaafay.
Warbixin uu soo daabacay wargeyska caanka ah ee ” Forbes” Jimcihii 9 September ayaa lagu sheegay in hantida milkiilaha shirkadda “Microsoft” ay gaarayso hadda 77.4 bilyan oo doolar, halka hantida Ortega ay gaartay 78 bilyan oo doolar, sidaa darteed shakhsiga dunida ugu taajirsan Arbacada iyo Khamiistii lasoo dhaafay uu ahaa Amancio Ortega, iyadoo isla Jimcihii Bill Gates uu ku soo noqday shakhsiga ugu taajirtan dunida.
Wargeyska ayaa sababta Ortega hormarisay ku sheegay inay tahay, sare kag ku yimid qiimaha saamiyada shirkadda ” Inditex” ee uu Ortega milkiilaha ka yahay.





From the comments