Magaalada Muqdisho waxaa maalintii Lixaad ka soconayey shirka madasha Wadatashiga qaran, kaasi oo looga hadlayey arrimo la xiriira doorashooyinka la filayo in dalka ay ka dhacaan.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in hoggaamiyeyaashii ku shirsanaa magaalada Muqdisho ay shirka ku kala tageen iyadoo saxaafadda aan loo shaacin natiijada shirka kasoo baxday.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka amba baxay magaalada Muqdisho, isagoo lagu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.




From the comments