Maamulka magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in gabi ahaanba ay xirmeen goobihii waxbarashada magaaladaasi kadib dagaallo soo noqnoqday oo magaaladaasi ka dhacay.
Guddoomiyaha magaaladaasi Xasan Cumar Macallin oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in magaalada ay ku yaalleen 4 dugsi sare iyo dhowr jaamacado balse dhammaantood hadda yihiin kuwo xirmay.
Waxa uu tilmaamay in hadda aan la arkayn meel ay ardayda wax ku bartaan, sababta ugu weynna ay tahay dagaallada soo noqnoqday ee magaaladaasi ka dhacay.




From the comments