Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday saldhig ay ciidanka Kenya ku leeyihiin magaalo xeebeedka Mombasa, halkaasi oo khasaare uu ka dhashay.
Saddex haween ah ayaa la sheegay in ay weerarkan ku qaadeen saldhigga kuwaasi oo ku hubeysaa Mindi iyo dhalo lagu shubay Shidaal kadibna dab lagu shiday.
Peterson Maelo oo ah taliyaha ciidanka Booliiska Kenya ee Mombasa ayaa sheegay in ciidanka ay toogteen haweenka weerarkaan soo qaaday, islamarkaana falkaan uu ahaa mid argagaxiso waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments