Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si aad ah u adkeysay amniga guud ee magaalada Muqdisho, maadaama maanta magaalada uu ka furmayo shir madaxeedka IGAD.
Magaalada oo dhan waxaa lagu soo daadiyey ciidamo isugu jira Booliis iyo Nabad sugid, iyadoo la xiray dhammaan waddooyinka Muqdisho.
Waxaan maanta magaalada Muqdisho ka shaqeyneyn gaadiidka dadweynaha iyo sidoo kale kuwa gaarka looleeyahay, meel walbana waxaa xiray ciidamada xitaa xaafadaha Muqdisho qaarkood.




From the comments