Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo gabagabadii shirka IGAD ee Muqdisho saxaafadda kula hadlay hotelka shirka ayaa ammaanay sida Soomaaliya u martigelisay shirka madaxeedka IGAD.
Kenyatta oo shirka jaraa’id ay ku wehliyeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Amina waxaa uu codsi u diray qurbo-joogta Soomaaliyeed iyo maalgeshiyaasha caalamiga ah in ay maalgelin ku sameeyaan gudaha Soomaaliya.
“waa markii iigu horreysay Muqdisho laakin ma noqon doonto markii iigu dambeysay” sidaa waxaa saxaafadda u sheegya Kenyatta.




From the comments