Goor dhow waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo cago dhigatay diyaarad la sidda Qaad, taasi oo ka timid dalka Kenya.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in Qaadka uu soo degay, sidoo kalena la filayo daqiiqado kadib iney soo degaan diyaarado kale oo Qaad sidda.
Dowladda Federaalka ayaa mamnuucday in wixii ka dambeeyay 6-dii bishan guud ahaan dalka laga soo dejiyo Qaad, hase ahaatee kulan shalay magaalada Muqdisho ay ku yeesheen madaxweynaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu falanqeeyay arrintaan, iyadoo ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ay Qaadka dib u fasaxday.




From the comments